Welcome house - Soomaali

Ku soo dhawow magaalada Stockholm iyo Welcome House!! Qofka dhawaan yimid ee ee magaalada Stockholm ku nool ayaa taageero naga heli kara inta uu wakhtigiisa ugu horeeya ee Stockholm ku jiro. Waxa Welcome House laga heayaa waxqabadyo kala duwan iyo hay'ada ku taageeri kara.

Intro Stockholm

Markaad ku jirto wakhtigaaga ugu horeeya ee aad Stockholm joogto ayaa kaaliyayaasha bulshadu kaa caawin karaan in aad:

  • dalbato lambarka shakhsiga, koonto bangi, ID-kaadhka
  • carruurta dugsiga iyo dugsiga xanaanada soo qorto
  • baadhitaan caafimaad iyo daryeel caafimaad heshid
  • xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) iska diiwaan gelisid
  • dalbatid gunooyinka aad xaqa u leedahay
  • fahantid sida ay bulshadu u shaqeyso oo aad wax badan Stockholm ka baratid

Kooxda taageerada ee Intro Stockholms waxay kuu soo bandhigaysaa talobixin dheeraad ah iyo taageero.

Waxaanu ku tilmaamaynaa markaad hey'adaha kale la xidhiidhayso. Waxaad xaq u leedahay inaad kaalmo dhaqaale oo kumeelgaadh ah dalbato ilaa intaad adigu is masruufi karto.

Kaaliyaha bulshada ee Intro Stockholms ayaa soo baadhaaya xuquuqda aad adiga iyo qoyskaagu u leedihiin kaalmada dhaqaaleha.

Etableringscentrum

Waxay Establishment ku siinaysaa:

  • tilmaamis/talobixin shaqada iyo waxbarashada
  • xidhiidhka lala sameynaayo loo shaqeeyaha
  • talobixin khuseysa sidaad ganacsigaaga u bilaabi laheyd
  • xidhidhka urrurada
  • aad taagero ka hesho barashada aaladaha dhijitaalka ah
  • waxqabadyada kooxada iyo aqoon is weydaarsiyada

Daneeyayaasha kale

Waxaanu si dhow ula shaqaynaa Statens Servicecenter. Waxay kaa taageerayaan isticmaalka adeegyada dhijitaalka ah iyo buuxinta foomamka.

Waxaad sidoo kale taageero ka heli kartaa inaad xidhiidh la sameyso Arbetsförmedlingen.

Waxaad Welcome House kula xiriiri kartaa urrurada iyo urrurada ama jaaliyadaha samafalka ah ee aan faa'iido-doonka ahayn.

Waxay adiga iyo qoyskaaga u soo bandhigayaan waxqabadyo kala duwan.

Uppdaterad